Guud ahaan aadanaha aradka ku dhaqani wuxuu jeclyahay oo had iyo goor ku taamaa barwaaqo ifka ah oo raaxo iyo hodantinimo gun-dhig u u yihiin, iyo janno aakhiro oo uu si fudud u galo kolka banka qiyaamo uunka Eebbe la kala sooco oo qolo meeshii loo qorsheeyay loo dareeriyo.
“Waa la rabaa roob baa lagu waayay” waa hor loo yidhiye nolosha caynkaas ah in si dhib la’aan ah loo haleelaahi way adag tahay oo kasab iyo dadaal baa ka horreeya, hayeeshee waxaa jira waxyaabo horseedi kara oo haddii la sameeyo guul kasta fure u noqan kara, waxaana ka mid ah:
1) ducada waalidka: labada ku dhashay oo aad u dhega-nuglaato, baarrina u noqataahi waxay kamid tahay waxyaabaha aakhiro iyo adduunba aayatiinka wacan laga dhaxlo, barakada iyo hodanimadana horseeda.
2) Dhowrsanaan: inaad ka fogaato wax kastoo ay shareecadu kaa reebtay, waajibaadka lagu farayna aad ku dadaasho waxaa laga helaa faa’iidooyin adduun iyo kuwo aakhiro oo ay jannada iyo raalli ahaanta Alle kamid yihiin.
3) sadaqada: sama-falka iyo deeqsinimada waxaa laga helaa wax-tar adduun oo lagu bullaalo, iyo ajar faro badan oo miisaanka xasanaadka kordhiya.
Haddaba si aanu aayatiin iyo nolol feecan u helno waxaa inala gudboon inaanu seddaxdaa arrin xoogga saarno oo aad ugu dadaal, Eebbihii ina uumayna talo saaranno.
WQ: Abwaan Hareeri