Wararka laga helayo dalka Indonesia ayaa sheegaya in 3 qof ay dhinteen, sidoo kalena la la’yahay 36 qof oo kale, kaddib markii dab xooggan uu ka kacay warshad lagu sameeyo macmacaanka oo ku taalla galbeedka gobolka Serang, qiyaastii 50 kiiloomitirna u jirta caasimadda dalkaas ee Jakarta.
Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in dowladda Indonesia ay dhacdada kaddib si degdeg ah u hawlgelisay hay’adaha gurmadka iyo samatabbixinta, kuwaas oo dadaal badan geliyey daminta dabka ka kacay warshadda macmacaanka soo saarta. Sidoo kale, ilaa iyo hadda waxaa socda baadi-goobka dadka kale ee la la’yahay.
Rizki Dwianto, oo ka mid ah saraakiisha hay’adaha gurmadka degdegga ah ee dowladda Indonesia, ayaa warbaahinta u sheegay:
“Dhammaan shaqaalaha gurmadka iyo samatabbixinta waxay sameeyeen dadaalkoodii ugu badnaa si ay u damiyaan dabka, isla markaana u helaan dadka la la’yahay.”
Dowladda Indonesia ayaa sidoo kale sheegtay in warshadda uu dabku ka kacay ee macmacaanka soo saarta ay leedahay shirkadda PT Ponnusa Agung Mulia, isla markaana baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhacdadan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Indonesia ayaa dhankeeda caddeysay in dhacdadani ay abuurtay murugo iyo walaac xooggan. Waxay sidoo kale sheegtay in warshadda uu dabku qabsaday ay ka shaqeynayeen ku dhowaad 60 qof, iyadoo intaas ku dartay in si degdeg ah loo ogaan doono sababta dhalisay dabka, isla markaana lala xisaabtami doono cid kasta oo mas’uul ka noqota dhacdadan.




