Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhowaynayey carruur tiradoodu dhantahay 25 qof, kuwaas oo dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeeg caafimaad oo dhanka wadnaha ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa uga mahadceliyey Shirkadda Hormuud Salaam Foundation, iyo Safaaradda dowladda Talyaaniga ay ku leedahay Soomaaliya, oo iska kaashaday sidii adeeg caafimaad oo dhammaystiran loogu samayn lahaa carruurta Soomaaliyeed ee waxba looga qaban waayey dalka gudihiisa.
Mudane Jibriil, ayaa dhakhaatiirta qalliimada u sameeyay ku ammaanay dadaalka naf-hurnimadda leh ee ay u sameeyeen carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka muuqato in si wanaagsan loo daweeyay xaalladooduna soo ficnaanayso.


