โKampala- Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo dhiggiisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Mudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.
โ
โKulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee labada dal iyo shucuubtooda..
โ
โMudane Xuseen Al-Amiin Al-Fadiil ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya garab istaagga iyo taageerada aan kala goโa lahayn ee ay la garab taagan tahay walaalahood reer Suudaan, xilli dalkooda uu wajahayo xaalad adag.
โ
โDhankiisa, Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa tilmaamay in Suudaan ay tahay dal walaal ah oo abaal weyn ku leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qoto dheer.