๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐Ÿณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ x๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ i๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐Ÿณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ x๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ i๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca muhiimka ah ee la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo wakiillo ka socda hayโ€™adaha amniga.

Waxa shirkan diiradda lagu saari doonaa doodo iyo cilmi baaris muhiim ah oo ku saabsan xoojinta shuruucda, iskaashiga hayโ€™adaha amniga iyo sidii loo ciribtiri lahaa ilaha dhaqaale ee taageera kooxaha argagixisada.

Shirweynahan ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan goโ€™aanno muhiim ah oo wax ku ool u ah la dagaalka maalgelinta argagixisada, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.