𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu falanqeynayey fursadaha maaliyadeed ee wax looga qaban karo khataraha iyo musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.
Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimillada iyo sida loo heli karo maalgelin iyo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah, si wax looga qabto saameynta sii kordheysa ee arrintan.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo fursado maaliyadeed oo waara, si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo loona xakameeyo halista musiibooyinka dabiiciga ah ee sii kordhaya sababo la xiriira isbeddelka cimillada.