𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 Biixi oo k𝐮𝐥𝐚𝐧 s𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐚𝐡 𝐮 s𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 w𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐢𝐢 B𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 a𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa xalay kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay 𝐌𝐫𝐬. 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧 oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku ek yahay dabayaaqada bishaan.

Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaagsan la soo qabatay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya.

Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoonsiiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.