Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo kala ahaa Madaxa Midowga Yurub ee dalalka Bariga Afrika, Wakiilka EU Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeysan ee Maaraynta Qataraha, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay hannanka dib-u-haneynta Maaliyadda, casiriyeynta ilaha dakhliga iyo xoojinta xiriirka Dowladda iyo hay’daha Maaliyadeed ee Caalamka.
Sidoo kale intii uu socday kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda arrimaha Maaliyadda gaar ahaan kabka miisaaniyadda Dowladda oo ah taageero joogta ah taas oo uu Wasiirka Maaliyadda kaga mahadceliyay dalalka midowga yurub taageerada ay had iyo jeer u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.
Kulanka kadib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan €10.5 Milan Yuuro oo ah kab miisaaniyadeed oo lagu horumarinayo arrimaha adeegga dad-weynaha iyo waxbarashada oo Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siinaysay.