𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐨𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨

𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨- Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland oo Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu horkacayo xubno ka tirsan bahda Sports-ka Jubbaland iyo xiriirrada ciyaaraha kala duwan ee Jubbaland.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Kismaayo u tegay si uu ugu kuur galo heerka ciyaaraha Jubbaland iyo inuu soo xiro tartanka degmooyinka Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka socday.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay xoogga saaray in la dhiirri-geliyo ciyaaraha gobollada dalka iyo degmooyinka si ay mustaqbalka usoo baxaan xul qaran oo gobollada dalka ka kala yimid.