๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐ž๐ฒ ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ง๐ข๐ฌ๐ข๐š

Tunis:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa safar shaqo ku gaaray magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia, Wasiirka waxaa si diirran garoonka caalamiga ah ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Tunis Dr. Mustapha Ferjani iyo masโ€™uuliyiin kale.

Socdaalka wasiirka ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga Caafimaad ee heer gobol iyo mid caalami ah, inta uu joogo Tunis, Dr. Cali Xaaji Aadam waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa madaxda caafimaadka iyo hayโ€™adaha caalamiga ah si loo horumariyo adeegyada caafimaadka Soomaaliya.