𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 oo la kulmay 𝐉𝐚𝐦𝐞𝐬 𝐒𝐰𝐚𝐧.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka, xoojinta hay’adaha garsoorka iyo doorka ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto horumarinta Qorshaha Qaranka. Intii uu socday kulanka waxaa si gaar ah loo falanqeeyey dhameystirka shanta cutub ee ka harsan Dastuurka, dhismaha Maxkamadda Sare ee Federaalka iyo kor u qaadista dadaallada lagu xoojinayo hanaanka caddaaladeed ee dalka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa uga mahadceliyay Ku-simaha Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane James Swan. taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dib-u-habaynta garsoorka.