๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐šqada XFS ๐จ๐จ d๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ m๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ lagu horumarinayo q๐จ๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ d๐š๐ง๐ฒ๐š๐ซ ๐š๐ก

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Muqdisho mashruuc cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qoysaska danyarta ah.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in kor loo qaado heerka nolosha qoysaska danyarta ah ee ku nool gudaha dalka.

Intii ay socotay munaasabadda daahfurka, waxaa si rasmi ah agab shaqo-abuur loogu guddoonsiiyay 360 qof, kuwaasoo ka faaโ€™iideysan doona qalabkan si ay u bilaabaan ganacsiyo yaryar oo waara, taasoo qayb ka ah qorshaha dhiirrigelinta nolol-maalmeedka bulshada.

Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hayโ€™adda samafalka ee Qatar Charity. Barnaamijkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wado si loo abuuro fursado nololeed oo waara, loogana jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa munaasabadda daahfurka ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, masโ€™uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.