Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal leh la yeeshay dhiggiisa dalka Aljeeriya, Mudane Feyรงal Ben Taleb, intii lagu guda jiray Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality), oo ka dhacday magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada shaqada, horumarinta siyaasadaha bulshada, iyo is-weydaarsiga waayo-aragnimada. Labada wasiir waxay isla garteen in la dardar-geliyo wada-shaqeynta si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo fursadaha shaqo-abuurka, loona dhiso mustaqbal waara oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.