𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫weynaha 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 kaga hadlay dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudnae Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka heerka sare ee Bangiga Adduunka, kaas oo qeyb ka ah shirarka xilliga Gu’ga ee Washington ka soconaya.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu jeediyay khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah ah ee shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaalada u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.

Soomaaliya waxa ay haatan mareysaa dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.