๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š oo ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo Suuqyada Shiinaha iyagoo ka faaโ€™iideysanaya Canshuur-dhaaf buuxa.

Heshiiskan ayaa ah mid Taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee Badeecadaha Kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan Suuqa Shiinaha fursad Canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa Tartanka iyo Fursadaha dhoofinta ee Kalluumeysatada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan Kalluumeysatada, Ganacsatada iyo dhammaan Daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo Xiriirka Dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo Bog cusub oo Iskaashi iyo Maalgashi oo faaโ€™iido u leh labada Dal.

Dhankiisa, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa tilmaamay in Heshiiskani uu fududeyn doono Ganacsiga labada Dal, isla markaana uu kor u qaadi doono is-weydaarsiga Ganacsiga iyo horumarinta Iskaashiga Dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku uu faaโ€™iido muuqata u yeelan doono Shacabka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Heshiiskaan ayaa lagu daabacay Bogga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayay waxay Heshiiskan u aragtaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu kobcinayo dhoofinta Badeecadaha Soomaaliyeed, lagu xoojinayo Dhaqaalaha Buluugga, laguna abuurayo Fursado cusubย  shaqo iyo horumar Dhaqaale oo waara.