๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซr๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ž๐ž๐๐ฒ๐š๐๐š

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka Dowlad Gobolleedyada.

Kulanka ayaa looga gol laaha guulaha laga gaadhay Dastuurka oo ay ka midyihiin in la dhammaystiray warbixintii cutubyada 5-9aad ee dastuurka iyo in loo gudbiyay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, iyada oo baarlamaanku horay u ansixiyay cutubbada 1-4aad.

Dhinacyada ayaa isla soo qaaday sidii loo dardargelin lahaa latashiyada cutubyada harsan ee 10-15aad ee Dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in xukuumadda ay ka goโ€™antahay dhammaystirka dastuurka islamarkaana ay ka shaqaynayaan sidii loo dardargelin lahaa diyaarinta farsamo ee cutubyada harsan si Baarlamaanka loogu gudbiyo.

Dhanka kale, Wasiirrada dastuurka dowlad-goboleedyada ayaa ka warbixyay guulaha ay ka gaareen latashiyada dastuurka iyo qorshayaasha hortabinta u leh, iyaga oo ballan qaaday in si dhow ay ula shaqayn doonaan Wasaaradda iyo Gudiyadda Dastuurka si loo dhamaystiro Dastuurka.