𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐆𝐮𝐝d𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐖𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐂𝟕𝟎 ayaa 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐡𝐚 𝐊𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐑𝐂𝟕𝟏.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Ahna Guddoomiyaha  Kulan waynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO/EMRO H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Furay Kulan-waynaha 71aada (RC71) oo maanta ka Furmay Magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Kulan Waynahan Sanadlaha ah ayaa Sanadkan waxaa diiradda lagu saarayaa Horumarinta Caafimaadka Dalalka Ku Mideysan WHO/EMRO, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay Xubin muhiim ah oo Firfircoon.

Khudbada Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Shirwaynaha RC70 ayuu kaga hadlay dadaalada ay Dowladda Soomaaliya ugu Jirto Horumarinta Caafimaadka iyo Caqabadaha Jira, isagoo Gobolka ku baraarujiyay in Gurmad Caafimaad la gaarsiiyo Dalalka ay Shaqaaqooyinku ka jiraan oo ay kamid yihiin Sudan, Lebanon, Gaza iyo Yemen.

Soomaaliya ayaa kaalin mihiim ah ka ciyaareysa dedaalada socda ee qeybta Caafimaadka aduunka iyo kan gobalka, iyadoo la jaanqaadeysa isbadalada xowliga ah ee socda taasoo hoga tusaaleynaysa kirriinshaha nidaamka Caafimaadka ee dalkeena, waxayna sidoo kale muujineysaa sida Dowladda Soomaaliya mihiimad gaar ah usii nayso arrimaha bulshada oo ah tiirka ugu wayn ee laga dhiso dal.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa diiradda u saaran xaqiijinta yoolka horumarineed ee Caafimaadka iyo ka dhabaynta hiigsiga Qorshaha isbadalka Qaranka NTP si loola jaan qaado geediga dunida ku wada baadi goobeyso Caafimaadka loo dhanyahay.