Baydhabo; โ Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay ballaarinta dhismaha Isbitaalka Gobolka Baay, sidoo kale wuxuu xarigga ka jaray qaybo cusub oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay isbitaalka, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda dhexe ee ku aaddan horumarinta adeegyada Caafimaad ee dalka.
Munaasabaddan dhagax dhigga iyo xarig jarka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Saciid Cali, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, Dr. Guuleed Cabdijaliil, masโuuliyiintan ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay mashaariicdan u leeyihiin horumarinta adeegyada Caafimaad ee dalka, gaar ahaan heer gobol.
Ballaarinta cusub ee isbitaalka ayaa diiradda saareysa sare u qaadidda tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaad ee la heli karo, iyadoo la dhisay qayb cusub oo loogu talagalay gargaar degdegga ah, laguna daryeelayo xaaladaha culus, qol qalliinka ah, shaybaar casri ah iyo farmashiye buuxa oo bixiya adeegyo dawo bixineed.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa xarigga ka jaray qaybo dhismeed iyo qalab Caafimaad oo horay loo dhammeystiray, kuwaas oo qayb ka ah mashruuca Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, qaybahaan cusub waxay ka mid yihiin dhismaha bangi dhiig oo gaar ah, dayactirka iyo casriyeynta shaybaarka iyo qaybta raajada, iyo wareejinta qalab caafimaad oo casri ah, oo ay ku jiraan warshad ogsajiin (PSA Oxygen Plant), matoor koronto (Generator), 260 haan ogsajiin ah, iyo agab kale oo muhiim ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay adkaysay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhisayo, lagu dayactirayo, laguna qalabeynayo xarumaha caafimaad ee dalka oo dhan, waxa ay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee kala dhexeeya dowlad goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro nidaam caafimaad oo adkeysi leh, caddaalad ah, loona heli karo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.
ย
ย
ย
ย
ย