๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ m๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š c๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž b๐š๐๐ช๐š๐›๐ค๐š b๐ฎ๐ค๐š๐š๐ง๐ค๐š

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr, Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka, taas oo sannad kasta lagu xuso 17-ka Sebtembar.
Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Qalabka, Daawada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasime Waaxeedyo, Madax Qeybeedyo, Agaasimayaasha Isbitaallada Dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Dhakhaatiir, Aqoonyahanno iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan bahda caafimaadka.
Intii lagu guda jiray munaasabadda ayaa laga hadley muhiimadda badqabka bukaanka iyo doorka uu ku leeyahay kor u qaadista adeegyada caafimaad ee dalka.
Waxaa sidoo kale lagu xusay in Wasaaradda Caafimaadku ay mudnaan gaar ah siin doonto sugidda amniga iyo badbaadada bukaan kasta oo adeeg caafimaad ka helaya xarumaha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aaden ayaa sheegey in maalintan muhiimka ah ku tilmaamey maalin is xusiisin waajibaad qaran taasoo ah in la ogaado muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo badqabka muwaadinka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka goโ€™an horumarinta adeegyada caafimaad iyo xaqiijinta badqabka bukaanka taasoo ah mid waajib ah islamarkaana ka mid ay ahdaafta Wasaaradda Caafimaadka.