Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Saraakiisha Amniga Caasimada Qeybahooda kala duwan 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚, 𝐍𝐈𝐒𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐢𝐲𝐚 𝐌𝐢𝐥𝐞𝐭𝐚𝐫𝐞.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐮𝐮𝐦𝐢𝐧 iyo Taliyaha Nabad sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐟𝐚𝐭𝐚𝐱 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 ayaa shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan horumarada dhinaca Amniga ee Caasimadda Muqdisho iyo qorshaha sugida Amniga inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐃𝐢𝐢𝐫𝐢𝐲𝐞 (𝐘𝐚𝐛𝐨𝐨𝐡) ayaa Saraakiisha Qeybaha iyo Fadhiyada kala duwan ee Booliiska, Nabad Sugida iyo Booliisiya Miletare ku booriyay adkeynta Amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada si loo xaqiijiyo dadaallada kor loogu qaadayo amaanka guud ee dalka.