๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Ferhat Alkan, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Iskaashi ee xoogan ee ka dhexeeya Labada Dal.

Kulanka Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Safiirka, ayaa kulankooda diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta xiriirka Taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisam Saaxiibtinimo, Iskaashi iyo Danaha wadajirka ah ee Labada Shacab iyo in laga wada shaqeeyo horumarinta Kaabeyaasha kala duwan ee ay iska kaashadaan Labada Dowladood.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Safiirka la-wadaagay in Dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay xoojinta xiriirka Diblumaasiyadeed iyo Iskaashi ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Turkiga, oo ka mid ah oo ka mid ah Saaxiibada muhiimka ah ee ay leedahay Soomaaliya.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada buuxda ee ay la garab taganyihiin Shacabka Soomaaliyeed, ee dhinacyada dib-u-dhiska, kobcinta Dhaqaalaha Dalka, Amniga iyo Tababarada Ciidamada iyo Dhismahooda.