๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ง๐š๐ ๐š ๐ ๐จโ€™๐š๐ง ๐ข๐ง ๐ฅ๐š๐ฌ๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐จ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ญ๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta Nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dib usoo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaal dheer, dib-u-habeyn heyโ€™adeed, diyaarinta xeerar, siyaasado iyo tababbaridda shaqaale awood u leh in ay la wareegaan masuuliyadaha maamulka hawada, isaga oo xusay in ay Soomaaliya horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo laโ€” wareegista amniga Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in isku-xirka heyโ€™adaha dowladda iyo dib u dhiska awoodaha Qaranka ay laf-dhabar u yihiin soo kabashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkeennu leeyahay fursado maalgashi oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dhinaca Gaadiidka, Beeraha iyo wax-soo-saarka kala duwan ee ka jira dalka, maadama uu dalkeennu ku yaalo aag istaraatiiji ah oo isku xiraya dhammaan qaaradaha dunida.

โ€œWaxa aan ugu hambalyaynayaa bulshada Soomaaliyeed tallaabadan weyn ee aynu maanta qaadnay, waxaa naga goโ€™an in lasii horumariyo oo la tayeeyo heyโ€™adaha Qaranka. Waxa aan hubaa in aynu gaari doono dunida horumartay ee aynu dib-uga harnay 30-ka sano. Dowladda Soomaaliyeed waxa ka goโ€™an in dalkeennu uu ku tallaabsado horumar baaxad lehโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Gaadiidka, Duulista Hawada iyo Heyโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo horumarinta iyo tayeynta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo adeegyada duulimaadyada , si kor loogu qaado tayada adeegga ay heelaan shacabka iyo Shirkadaha diyaaradaha, loona xaqiijiyo isku-xirnanta Soomaaliya iyo dunida.