๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in Maalinta Calanka ay mudnaan gaar ah u leedahay qof walba soo leh sumadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ku wayntahay taariikhda ummaddeenna, maadaama oo maanta ku beegantahay maalinkii Calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, waxa uu xusay in Calanku uu astaan u yahay gobannimada, midnimada, wadajirka iyo qarannimada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan midnimada dalkeenna, hirgalinta nabadda, wada-noolaanshaha bulshada iyo kor u qaadista sumcadda Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.