๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ w๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ b๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ a๐ซ๐๐š๐ฒ k๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š h๐จ๐ซ๐ž k๐š g๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ t๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ c๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudaneย  Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka galay Tartanka Qurโ€™aanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar.

Tartanka oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aadย  halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud uu galay kaalinta 3aad, waxaana ka qeybgalkooda fududeysay Hayโ€™adda Qatar Charity.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada dadaalkooda iyo sida ay Qurโ€™aanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qurโ€™aanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu dhiirri galineyso Barashada Qurโ€™aanka Kariimka waxaana uu u ballan qaaday ardeyda in dowladdu siineyso Waxbarasho lacag laโ€™aan ah sidii ay u siisay ardeydii kaalimaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ah.

โ€œWaan idinku faaneynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda, in Tartan dowli ah aad ka gasheen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo Karaamo u ah Bulshada Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada waxaan fari doonaa in Waxbarasho bilaash ah ay idin siisoโ€.