Muqdisho,(Wargeska Dalka):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare ee Waxbarashada heerarka kala duwan kuwaas oo ka qalin-jabinayay Jaamacadda Muqdisho.
Raโiisul Wasaaraha oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Ardayda Soomaaliyeed ee qalin-jabinaysa waxa uunna bogaadiyey Macallimiinta iyo Waalidiintii Dhabarka u ritay Waxbarashadooda, isaga oo xusay in Aqoonta ay barteen ee muhiimka u ah Dhismaha Dalka ay uga faaiideeyaan Bulshada baahida weyn u qabta Maskax Aqoon leh.
Raโiisul Wasaare Xamsa, waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan ku bixisay tayeynta Waxbarashada heerarkeeda kala duwan, maadama ay tiir-dhexaad u tahay Horumarka Qaranka iyo hirgalinta qorshaha Dowladnimada Soomaaliyeed lagu horumarinayo ee la jaan-qaadaya Dunida Casriga ah.
โWaxaa suโaal ah Cilmiga aan barannay iyo Suuqeenna ma isleeyihiin oo maka jawaabaya baahida Suuqa mise waa caado, Qofka wax-bartay waxaa looga baahanyahay in uu Cilmigiisa ku xalliyo dhibaatooyinka Suuqa ka jiraโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.
Ugu dambayn: Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda DanQaran Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay Shaqo abuurka Dhallinyarada Waxbaratay ee Aqoonyahanka ah ee Dalkooda ku sugnaa, iyada oo meesha laga saaray in Qurbaha laga keeno howl-wadeenno kale oo Dowladnimada ka shaqeeya, taasi oo kor u qaaday in aqoonta iyo Xirfadaha la xoojiyo.




























