Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Ardayda Soomaaliyeed ee ka gudubtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Dalka, ayaa dhanka Telefoonka kula xiriiray Saddexdii Arday ee Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka iyo Waaliddiintood.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa Ardayda Soomaaliyeed, Waaliddiintooda iyo Macallimiintii wax-soo baray ku ammaanay dadaalka aan kala joogsiga lahayn, Kartida iyo Samirka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen Waxbarashada, isaga oo si gaar ah u xusay in guusha Maanta la gaaray ay tahay mid ka dhalatay juhdiga Ardayda, taageerada Waaliddiinta, dadaalka Macallimiinta iyo bahda Waxbarashada Dalka oo iskaashaday si loo xaqiijiyo guusha ay Maanta gaareen Ardayda Soomaaliyeed.
โWaxa aan u hambalyeynayaa Macallimiinta, Waaliddiinta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Waxbarashada Dalka, waxa aan leeyahay hambalyo, Ummad waxa ay ku dhisantaa oo isbeddelkeedu ka yimaada Jiilkeeda waxbaranaya, markasta oo Dadkeennu ay waxbartaan waxa aynu u dhowaananaa dhanka wanaagsan ee isbeddelkaโ. Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโantahay in la-waayo Arday Soomaaliyeed oo xilligii Waxbarashada gaaray oo aan iskuul aadeyn, isaga oo Waaliddiinta Soomaaliyeed ku boorriyey sida ay Carruurteenna ugu barbaariyeen dhanka Waxbarashada.
Ugu Dambayn: Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ballan-qaaday in dhammaan Waxbarashadooda ay Dowladda Soomaaliya dabooli-doonto Saddexda Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ku guuleystay kuwaas oo kala ah.
๐. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐๐๐๐ก๐ข๐ซ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐, ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐: ๐๐๐ฐ๐ฅ-๐๐๐๐๐๐ , ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ-๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ.
๐. ๐ ๐๐ซ๐ฑ๐ข๐ฒ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฑ ๐๐ฎ๐ฆ๐๐ซ ๐๐ข๐ ๐๐๐ฅ, ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐: ๐๐ก๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ง๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ, ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ฒ๐จ-๐๐ฎ๐๐๐ฅ๐๐ง๐.
๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐จ ๐๐ก๐๐๐ฅ๐ข๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐ฑ๐ฆ๐๐, ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐: ๐๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ ๐๐ก๐๐๐๐ข๐๐ข (๐๐ก. ๐๐๐๐๐ซ), ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ-๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ.

