๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

Muqdisho(Wargeyska Dalka): Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay La-taliye Sare, ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri.

Wafdiga oo dalka u joogay arrimo la xiriira Maalgashiga wax-soo-saarka Cuntada iyo dhanka Caafimaadka, isla markaana shalay heshiis dhinacyo badan ah la saxiixday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa Salaan Sharafeed ugu yimid Raโ€™iisul Wasaaraha, iyaga oo la wadaagay farriimo ay ka wadeen Madaxda Dalkooda.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa Wafdiga, oo uu wehliyay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi uga warbixiyay horumarrada waaweyn ee Dowladda Federaalka ay ka samaysay dhinacyada Amniga, kor u qaadista Dhaqaalaha iyo Adeegyada Dadweynaha, isaga oo sidoo kale bogaadiyay xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

 

xamsa1.jpgxamsa2.jpgxamsa3.jpg