Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guueleystay in uu sii Hoggaamiyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto Waajibaadka Dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duubnida dhow ee ka dhexaysa Hayโadaha Dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo Barlamaanka, taasi oo mudnaan gaar ah siinaysa dardargelinta qorshayaasha Qaranka, si loo xoojiyo Dowladnimada, loona gaaro himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu dambayn Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u rajeeyay mas’uuliyad gudasho, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso Hayโadaha Sharci-dajinta Dalka, si loo horumariyo Shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah xasilloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya.

