Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda 28-aad ee dhismihii dowlad goboleedka Puntland awgeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa bulshada deegaanadaas ku bogaadiyay biseylkooda dowladnimo iyo nabadda , isaga oo sidoo kale hambalyeeyay hoggaankii soo maray maamulkaas kaalintii ay ka qaateen dowlad dhiska dalka iyo dhabar-adeygii ay muujiyeen xiliyadii kala duwanaa ee lagu jiray dhismaha iyo yagleelidda maamulkaas.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii u rajeeyay hoggaanka & bulshada gobolada Puntland nabad waarta, Horumar & Barwaaqo.

