Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo xeel-dheerayaal ka socda mashruucda NAGAAD , taasi oo ku saabsan farsamada iyo qorshaha guud ee Biy-mareenka Naqshadda, baaxadda iyo marxaladaha hirgalinta.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen, ayaa sharaxay in lagu guuleystay furitaanka dhuumihii hore ee biyo-mareenada ee xirmay, balse loo baahanyahay in la dhiso kuwo cusub iyo goobo waara, si looga hortago fatahaadaha markasta dhaca ee dhibaatada naf iyo maalba leh.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigay maalgelinta dhaqaale ee loo qorsheeyay, kaalinta looga baahanyahay in dowladda Soomaaliyeed buuxiso iyo heerka kaalmadda Bangiga Adduunka uu ku leeyahay hawshan baaxadda leh, oo ka socota magaalooyin kala duwan oo dalka ah.
Wasaaradaha kala ah Dhaqaalaha Buluugga, Duulista iyo Gaadiidka Hawada, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo door ku leh hawshan ayaa soo jeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha qaran ee socda saamayntooda iyo sida la-isu waafajin karo.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in loo baahanyahay dib-u-soo celinta billicda caasimadda iyada oo dib loo furayo biyo-mareennadii hore ee xirmay si loo helo tuubooyin biyaha qaada oo tayo leh, isaga oo faray heyโadaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga howl-gallaan hirgalinta mashuurcan oo muhiimad weyn u leh caasimadda.
Mashruuca biyo-mareennada caasimadda oo leh ahmiyad Qaran ayaa si toos ah u taabanaya badqabka, nadaafadda iyo horumarka guud ee caasimadda, maadaama uu door weyn ka qaadanayo ka hortagga fatahaadaha, yaraynta cudurrada ka dhasha biyaha wasakhda ah, ilaalinta deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryaha iyo goobaha ganacsiga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโan in mashruucan uu noqdo mid la taaban karo oo guuleysta loona hirgaliyo sida ugu wanaagsan si magaalada Muqdisho u noqoto caasimad u diyaarsan maalgashi.
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย 

