Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirkii 35-aad ee Caadiga ahaa ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika, kaas oo ku qabsoomay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in martigelinta shirka ee Muqdisho ay astaan u tahay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay muujinayso kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya.
Mudane Xamsa ayaa xusay in gobolka Bariga Afrika uu wajahayo caqabado amni oo wadajir ah, sida argagixisada, dambiyada ka gudba xudduudaha, amniga badda, saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha baniโaadannimo, kuwaas oo u baahan iskaashi mideysan iyo xalal ku dhisan amni, horumar iyo diblomaasiyad.
Raโiisul Wasaaraha ayaa adkeeyey doorka muhiimka ah ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) uu ka qaato sugidda amniga gobolka, isaga oo bogaadiyey doodihii iyo qiimeyntii qotada dheeraa ee ay sameeyeen khubarada iyo madaxda amniga ee ka qeybgalay shirka, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta qorshayaasha, miisaaniyadda iyo istiraatiijiyadda mustaqbalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa madashii shirka ku wareejisay guddoonka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo ay sanad haysay, waxaana lagu wareejiyay dowladda Uganda, iyada oo unug tabobar heersare ah qaba oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si hab-maamuus leh ku wareejiyeen calanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in tallaabooyin horumar ah la xaqiijiyay intii ay Soomaaliya haysay hoggaanka.
Ugu dambeyn, Raโiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan ka qeybgalayaasha shirka doorkooda iyo dadaalkooda, isaga oo rajo ka muujiyey in goโaamada ka soo baxa shirka ay gacan ka geysan doonaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.
ย
ย
ย
ย
ย
ย
ย 

