Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta Duleedka Magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay qabanayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kaas oo ay ka qeybgaleen boqolaal ka tirsan Bulshada Caasimadda, laguna soo bandhigay Raasumaalka Dalxiiska Dalkeenna.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in fursadaha Dalxiiska Dalka ay yihiin kuwa aad u badan, Dakhliga Dalkana ku biirin karan saami, haddii la oofiyo Shuruudaha la rabo, lana helo karaan aadane oo ku habboon iyo Teknolajiyad casri ah iyo xirfado.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay Ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo cid kasta oo Maalgashi ku samaysay Dalxiiska, gaar ahaan dhanka Xeebaha oo uu qirey in fursadaha ugu waaweyn ay ku jiraan.
Raโiisul Wasaaraha oo sii hadlayay ayaa dhanka kale taabtay qaddiyadda Qaranimada iyo Madaxbanaanida Dalka isaga oo sheegay in warqad uu nin siyaasi ah u Qaramada ay ahayd mid nasiib darro ah oo dhaawac weyn ku ah Qaranimadda iyo Midnimada Dalka.
โMidnimimadu waa tiirka adag oo laโaantii aysan Ummadi taagnaan karin, kaas oo ka sareeysa khilaafaadka Siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha jiri kara xilliyada qaar, haddii Midnimo la waayo waxaa beylah loo noqonayaa cadaw, Midnimadeenu waa Dhaxal Jiilba Jiil usoo dhiibayay, loona hurey naf iyo maalโ ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa.

