๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ฎ๐›๐›๐š๐ซ๐ข๐๐ค๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shir-Sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee 2025โ€“2029.

Ra,iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka sugayaan waxqabad iyo adeegyo tayo leh oo si siman u gaara dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan bulshada nugul.

Mudane Jibriil ayaa ku boorriyay hayโ€™adaha dowladda inay xoojiyaan wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo dabagalka goโ€™aannada, si qorsheyaasha loogu beddelo natiijooyin wax-ku-ool ah oo ay bulshadu saameen ku yeelata.