Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, hirgelinta heshiisyada Bulshada Bariga Afrika (EAC), dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta awoodda dadka.
Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa waxaa ka soo qaybgalay masโuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda Bulshada Bariga Afrika, ganacsato, maalgashadayaal, aqoonyahanno iyo bahwadaagta horumarinta ee Soomaaliya, kuwaas oo ka doodi doona fursadaha dhaqaale iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo ka-faaโiidaysiga Soomaaliya ee xubinnimada Bulshada Bariga Afrika.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in ku-biiristii Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika ay ahayd guul taariikhi ah oo ka tarjumaysa dib-u-soo-kabashada dalka iyo xoojinta xiriirka gobolka, isaga oo tilmaamay in mudnaanta Xukuumaddu maanta tahay sidii xubinnimadaas loogu beddeli lahaa fursado ganacsi, maalgashi, shaqo-abuur iyo horumar dhaqaale oo ay shacabka Soomaaliyeed ka faaโiidaystaan.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in hirgelinta heshiisyada Bulshada Bariga Afrika, fududaynta ganacsiga iyo waafajinta shuruucda iyo nidaamyada dalku ay qayb muhiim ah ka yihiin hindisayaasha Xukuumadda ee lagu ballaarinayo suuqyada waxsoosaarka Soomaaliyeed, laguna soo jiidanayo barnaamijyo maalgashi iyo shaqo-abuur.
Sidoo kale, waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isdhexgalka dhaqaale ee Afrika, gaar ahaan Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), oo fursad u siinaya dalalka Afrika inay kordhiyaan ganacsiga dhexdooda ah, horumariyaan warshadaha iyo waxsoosaarka.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku boorriyey ka-qaybgalayaasha shirka in doodaha iyo talooyinka ka soo baxa loo beddelo iskaashi iyo maalgashi iyo tallaabooyin dardargeliya horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika.










