Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta deegaanka Saabuun ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun, oo door muhiim ah ka qaadan doona maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, waraabka beeraha iyo yareynta khatarta fatahaadaha.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun uu yahay maalgashi toos ah oo lagu sameynayo dadka Soomaaliyeed, wax-soo-saarka dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo xusay in mashruucani uu muhiimad gaar ah u leeyahay beeraleyda iyo bulshada ku nool dooxada Shabeelle.
โMaanta Saabuun uma aynaan iman inaan dhagax keliya dhigno. Balse waxaan u nimid in aan dib u soo nooleyno halbowlihii biyaha iyo beeraha ee deegaankanโ. Ayuu yiri Mudane Jibriil.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Biyo-xireenka Saabuun, oo la dhisay sanadkii 1925-kii, uu muddo dheer ahaa mid ka mid ah kaabayaasha muhiimka ah ee lagu maareeyo biyaha Webiga Shabeelle, laguna taageero wax-soo-saarka beeraha.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta kaabayaasha biyaha iyo waraabka, maadaama ay laf-dhabar u yihiin kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada.
Mudane Jibriil ayaa carrabka ku adkeeyay in mashruucan uusan ku koobnayn dib-u-dayactirka biyo-xireenka, balse uu qayb ka yahay Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP) iyo dadaallada Dowladda ee lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee maaraynta khayraadka biyaha.










