𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 XFS 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta qaabbilay Wefti uu hoggaaminayey Sii-Hayaha <br>Agaasimaha Fulinta Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), Carl Skau.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka iyo Mudane Carl Skau ayaa ka wadahadlay Iskaashiga Soomaaliya iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka, gaar ahaan ajandaha Sugnaanta Cunnada iyo Daryeelka Bulshada ee Qorshaha Isbeddelka Qaran, u-diyaarsanaanta xaaladda El Niño iyo digniinaha la xiriira ee Roobabka iyo Fatahaado xooggan ee Gobolka Geeska Afrika soo wajihi kara, iyo sida oo kale qorshayaasha xalka waara ee ku wajahan Sugnaanta Cunnada iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya.