๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐ƒ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Macallimiinta Soomaaliyeed, Munaasabadda 21-ka Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macallinka.

 

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Macallimiintu ay Laf-dhabar u yihiin horumarka Bulshada iyo dhismaha Mustaqbalka Dalka, maadaama ay Jiilasha soo koraya ku barbaariyaan Aqoon, Akhlaaq, Waddaniyad iyo Dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed,

 

Mudane Xamsa, ayaa si gaar ah u ammaanay Macallimiinta Soomaaliyeed ee ku howlan gudashada waajibaadkooda Waxbarasho, kuwaas oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, kuna bixiya dadaal iyo dulqaad si Ubadka Soomaaliyeed u helaan Waxbarasho iyo Fursado wanaagsan oo ay Mustaqbalkooda ku dhistaan, isaga oo adkeeyay in maamuusidda Macallinku ay tahay maamuusidda Aqoonta, horumarka iyo Mustaqbalka Ummadda.</p>

 

Ugu dambayn, Raโ€™iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay helidda Bareyaal Aqoon u leh barbaarinta Ubadka.