๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.

Gogol-xaadhka hawsha Guddigan, oo muddo Sanad ka badan ka socotay Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, isla markaana ay wadeen Guddi-Hoosaadka Shaqo-abuurka Qaran, ayaa hadda soo gaartay waqtigii Dhaqangelinta.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, oo cuskanaya qodobka 120-aad ee Dastuurka JFS, isla markaana eegaya muhiimadda ay leedahay dardargelinta Xirfadaha, Shaqo-abuurka, nidaamyada hagaajinta Suuqa Shaqada, iyo abuurista fursado Dhaqaale oo lagu horumarin karo Ganacsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.

Guddiga ayaa ka kooban Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha iyo 13 wasaaradood oo udub-dhexaad u ah hawlaha Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.