𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca SINNAAN, oo ah mashruuc diiradda saaraya xoojinta kaabayaasha aasaasiga ah, horumarinta qorsheynta magaalada, iyo tayeynta waaxaha injineeriyadda ee Gobolka Banaadir, si loo dhiso nidaam casri ah oo waara.
Mashruucan ayaa sidoo kale waxa uu fursad u yahay in la dardargeliyo adeegyada bulshada, islammarkaana kor loo qaado tayada dhismayaasha, lana xoojiyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya horumarinta caasimadda iyo in loo guuro nidaam digital ah oo casri ah, si loo soo jiito maalgashi caalami ah oo kor u qaada kobaca iyo horumarka magaalada.
Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa sheegay in mashruucan uu door muuqda ka qaadan doono dhismaha Muqdisho casri ah oo ammaan ah, qurux badan, isla markaana u adkeysan karta caqabadaha mustaqbalka.




