𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐮𝐫𝐮𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐜𝐮𝐝𝐮r𝐫𝐚𝐝𝐚 h𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚l𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 m𝐮𝐪𝐝𝐢𝐚𝐡𝐨 𝐤𝐚 furmay

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr Maryama Mohamed Hussein, ayaa Daahfurka kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed ”SOGA”.

kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka tirsan Xildhibaannada labada aqal, wakiillada xarumaha caafimaadka guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed, uruka Umulisooyinka Soomaliyeed, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Bahda Jaamacadda Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiru-dowlaha ahna Ku Simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku amaantay xubnaha uruka wax qabadkooda kuna boorrisay in ay dedaalkooda halkaa kasii wadaan.

Dr. Maryama ayaa ugu dambayn ballan qaadday in ay diyaar u tahay gacan siinta iyo is-garab taagga urukan u taagan wax ka qabashada qataraha buktada haweena iyo carruurta Soomaliyeed waxayna sheegtay in wasaaraddu ay garab istaag diyaar ula tahay mar walba.