๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š XFS ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyadoo Goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qayb ka ah dadaallada Xukuumadda ee la xiriira fulinta Dastuurka Jamhuuriyadda oo maraya marxalado kala duwan.

Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faaโ€™iidooyinka lagu helay ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda goโ€™an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kale, ganacsatada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka. Warbixinta kadib, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoominayo Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), oo soo socday muddo 10 sano ah, kaas oo maraya meel gebogebo ah, Soomaaliyana ay dhammaystireyso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeecadaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hayโ€™ado maamul.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo hawlaha Xukuumadda DanQaran horyaalla ee mudnaanta u leh iyo xoojinta wada-shaqeynta hayโ€™adaha Qaranka, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan, gaar ahaan adeegyada la doonayo in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood, kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.