๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐ž๐ž๐ช ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐ž๐ž๐ ๐ค๐ฎ ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

Muqdisho(Wargeyska Dalka):โ€™Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa Maanta qabatay Munaasabad lagu wareejinayay Deeq Lacageed 14,400 US Dollar oo ay iska soo uruuriyeen Shaqaalaha Hayโ€™adda, laguna wareejiyay dhalinyarada Ururka Daryeel Bulsho, oo ah urur si firfircoon uga shaqeeya Gurmadka Abaaraha iyo Caawinta Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu gaarsiiyo Dadka ay Abaaruhu saameeyeen Biyo, Cunto iyo Gargaar Degdeg ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Culimada Soomaaliyeed oo ka qayb galay Munaasabadda ayaa booriyay in ay muhiim tahay in Ummadda Soomaaliyeed is caawiso oo ay isku garab istaagto marka ay timaado xaaladaha adag sida Abaaraha.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Ururka Daryeel Bulsho Maxamed Cali Siyad (Champion) ayaa sheegay in Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay noqotay Hayโ€™addaha Dowladda tiiย  ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqooda gurmadka, isagoo uga mahadceliyay dareenka iyo kaalinta ay qaateen Shaqaalaha Hayโ€™adda.

Sidoo kale, Cismaan Muxiyadiin Shaatax, Guddoomiyaha Daladda Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa muujiyay mahadcelin ballaaran oo uu u jeediyay hayโ€™adda, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid dhiirrigelin u noqon karta Hayโ€™adaha kale si ay uga qeyb qaataan Gurmadka Abaaraha.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa ku dhiirrigeliyay Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay sii wadaan doorkooda ku aaddan howlaha samafalka iyo taageeridda Bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga naxo in Maanta ay jiraan dad Soomaaliyeed oo Biyo Laโ€™aan u dhimanaya, isagoo Carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Dadka Soomaaliyeed qaataan masuuliyadda ka saaran garab istaagga walaalahooda ay Abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay xoojiyaan dadaallada Gurmadka.

ย ย ย ย ย