Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Kulan soo dhaweyn iyo isbarasho ah la yeeshay Beatriz Rubio Navarro, Madaxa Xafiiskaย Soomaaliya ee Komishanka Midowga Yurub, Ahna Agaasinka Guud ee Ilaalinta Madaniga iyo Hawlgallada Gargaarka Baniโaadannimada ee Yurub (ECHO).
Kulanka waxaaย diiradda lagu saaray xaaladaha Gargaarka Baniโaadannimo ee Soomaaliya, diyaar-garowga khataraha la xiriira El Niรฑo oo la filayo, Xogaha ku saabsan khataraha iyo saameynta Fatahaadaha, iyo sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka hore ee ka hortagga Musiibooyinka.
Sidoo kale, waxaa Kulan looga hadlay xoojinta taageerada iyo Iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya, Hayโadaha Gargaarka iyo ECHO, si loo xoojiyo diyaar-garowga iyo Gurmadka Bulshada nugul.

