๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aadan Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare), iyo xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda baniโ€™aadannimo ee dalka, iyo sidii Culimadu kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshada, diyaar-garowga iyo yareynta khataraha ka dhasha fatahaadaha iyo saadaasha El Niรฑo.

Ugu danbeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Culimada ugu baaqay inay xoojiyaan doorkooda bulshada, maadaama ay laf-dhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay bulshada gaarsiiyaan farriimo joogto ah oo ku saabsan is-caawinta, feejignaanta iyo diyaar-garowga xilliyada ay jiraan khataraha musiibooyinka.