๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐จ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ฌโ€™๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐จ๐จ๐๐š

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa lagaga hadlay xaaladda dalka, amniga, siyaasadda iyo horumarka dowladda ee dhinacyada kala duwan.

Kulanka oo uu Shir-guddoomiyay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay heshsiiyo, siyaasado iyo magacaabista masโ€™uuliyiin sarsare oo madax ka noqonaya hayโ€™addo cusub oo dowladeed.

Raโ€™iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal-jeedin ka sameeyay golaha ayaa bogaadiyay doorashooyinkii qof iyo cod ee dalka ka dhacay, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo soo hoyatay, gaar ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska , waxa uu sidoo kale Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ka digay in la caadiyeeyo kooxaha argagixisada, taas oo uu sheegay in ay ka dhalanayso halis weyn oo amni. Mar uu ka hadlay xaaladda amni ee dalka ayuu sheegay in nabadgalyada dalka ay wanaagsantahay, ciidanka xoogga dalkana uu ku filanyahay gudashada waajibaadkooda.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wadahadaladii arrimaha doorashada ay socdaan, isla markaana furan-tahay gogosha dowladda, isaga oo xusay in goโ€™aan kasta la waafajin doono dastuurka iyo xeerarka dalka.

Intii uu shirka Golaha socday, Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, gaar ahaan Tiirka siyaasadda loo dhanyahay ayaa soo bandhigay warbixin la-xiriirta hawlo shaqo oo ay ku tageen Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo tababarro iyo taageero farsamo ay u fidiyeen masโ€™uuliyiinta illaa heer agaasime ee maamulkaas. Sidoo kale waxaa shirka warbixin faahfaahsan ka jeediyay maamulka Xarunta Adeegyada Mideysan ee Halmeel iyo halka ay marayaan howlaha lagu shaqo-galinayo xarunta cusub.

Golaha wasiiradda ayaa dhanka kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Dakhliga Qaranka kadib soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda, xilkaas oo loo magacaabay Mudane Faysal Maxamed Xaashi, sidoo kale Golaha ayaa meelmariyay Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kadib soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, xilkaas oo loo magacaabay Mudane Khadar Maxamuud Xareed.

Golaha Wasiiradda waxa ay sidoo kale ansixiyeen Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Hayโ€™adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka, kadib soo jeedinta Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, xilalkaas oo loo kala magacaabay Maareeye Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Maareeye Ku-xigeen Mudane Dr Faarax Maxamed Sharaawe.

Golaha ayaa intii uu socday waxaa lagu ansixiyey siyaasado iyo heshiisyo muhiim ah kuwaas oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran, waxa ayna kala yihiin.

1. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada farsamada iyo tababbarka xirfadaha

2. Siyaasadda Qaran ee Kafaalada Carruurta Soomaaliyeed

3. Siyaasadda Qaran ee Nidaaminta arrimaha Hijrada

4. Heshiis u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo uu matalayo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Aadanaha, kaasi oo ku saabsan Asaaska Xafiis uu ku yeesho dalkeenna.

5. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan iskaashiga dhanka adeegyada bulshada.

Top of Form