𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta Maanta ah Xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha Darmooley, oo ku yaalla Degmada Heliwaa.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo Munaasabadda Hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan Horumarinta Waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha Waxbarasho ee Gabdhaha ku nool Caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Waxbarashadu tahay Tiirka ugu Muhiimsan ee Horumar waara, Nabad iyo Mustaqbal ifaya.

Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay Furitaanka Dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona Mustaqbalka Carruurta, gaar ahaan Gabdhaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay Ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta Mashaariic Horumarineed oo la xiriira Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada, si loo dardar-geliyo Horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.