𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐝𝐡𝐚𝐜 𝐮 𝐚𝐡 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu billaabay daraasad lagu qiimeynayo waxqabadka iyo hufnaanta adeegyada isbitaallada dadweynaha ee Muqdisho.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐞𝐞𝐠𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚?
.Tayada adeegyada la bixiyo
. Hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada adeegyada caafimaadka
. Heerka la jaanqaadka nidaamyada hantidhowrka waxqabadka

Baaristaan waxa ay gacan ka geysan doontaa hagaajinta adeegyada caafimaadka ee ay dowladdu bixiso, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan adeeg tayo leh.