๐€gaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka oo kulan la qaatay ku xigeenka Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Mustafa Duhulow ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‡๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐“๐š๐š๐ ๐ž๐ž๐ซ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š (๐”๐ง๐ข๐ญ๐ž๐ ๐๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐Ž๐Ÿ๐Ÿ๐ข๐œ๐ž ๐ข๐ง ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š โ€“ ๐”๐๐’๐Ž๐’), ๐Œ๐š๐ซ๐ฐ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐š๐ญ ๐€๐ฅ ๐€๐ข๐ง๐ข.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo UNSOS, gaar ahaan taageerada farsamo iyo tan maamul oo ay Qaramada Midoobay siiso Hayโ€™adda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Xafiiska Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya, wuxuuna la wadaagay qorshaha horumarinta HSJ ee dhinacyada xuduudaha iyo socdaalka, iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliga.

Marwo Qurat Al Aini ayaa dhankeeda bogaadisay dadaalka ay HSJ ku bixinayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, waxayna xustay in UNSOS ay ka goโ€™an tahay inay sii wado taageerada ay siiso Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha, sare u qaadista xirfadaha shaqaalaha, iyo casriyeynta nidaamyada socdaalka.