Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gubiyeen Soomaaliya iyo UK

A wide view of the 19th session of the Human Rights Council. 2 March 2012. Photo by Jean-Marc Ferré

Geneva: Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva, Khadra Ducaale, oo khudbad muhiim ah ka jeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa bogaadisay tallaabadan iyada oo soo bandhigtay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dhinaca xuquuqul insaanka iyo horumarada laga gaaray.

Ambassador Khadra ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hiigsaneyso dhammeystirka xilliga kala-guurka ee la falgalka hay’adaha xuquuqul insaanka muddo 12-bilood gudahood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta qorshe-hawleed ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

Waxay sidoo kale iftiimisay tallaabooyinka muhiimka ah ee dhowaan la qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciga xuquuqda naafada Qaranka, soo bandhigidda istaraatiijiyadda shanta sano ee Hay’adda Naafada Qaranka, iyo ansixinta sharciga carruurta.

Danjiraha ayaa ku adkeysatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda ka-qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay, iyada oo gaar ahaan xustay muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dadka la heyb-sooco laga qeyb geliyo go’aamada muhiimka ah. Waxay intaa ku dartay in dalku uu dadaal xooggan ugu jiro xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.

“Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in sanadka soo socda ay soo gabagabeyso xilka Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ee arrimaha xuquuqda aadanaha, taasoo cadeyn u ah in dalka uu ku sii dhawaanayo isku-filnaanta ilaalinta xuquuqda aadanaha,”

Ambassador Khadra Ducaale ayaa uga mahadcelisay beesha caalamka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Ingiriiska, Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya, iyo Kooxda Ilaalinta iyo Xuquuqul Insaanka ee UNSOM, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta xuquuqul insaanka ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Switzerland ee qaabilsan waddamada Bariga Africa

Nairobi: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ku gudajira socdaal shaqo oo uu maalmahan ku joogay magaalada Nairobi ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Switzerland ee qaabilsan waddamada Bariga Africa oo ay ku jirto Soomaaliya Ambassador Mirko Giulietti.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda iyo adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin ayaa si weyn dowladda Switzerland uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay joogteeyaan taageeradooda, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay muhiimka u tahay ka wada shaqeynta sidii loo hubi lahaa in ay deeqdoodu u gaaraan dadkii loogu tala galay.

Wasaaradda Awqaafta XFS iyo Midowga Xamladaha Xajka oo shaaciyey in la bilaabay qabashada baasaboorada Xujeyda

Maanta waxaa magaalada Muqdisho si wada jir ah shir jaraad uga qabtay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Ibrahim Adam Ibrahim (Nadaara), iyo Guddoomiyaha Midowga Xamladaha Xajka ka shaqeeya, Xaaji Cali Faarax.

Waxaa shirka jaraa’id lagu shaaciyey in la bilaabayo qabashada baasaboorada Xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya inay sanadka 1446/2025 gutaan waajibaadka Xajka.

Agaasimaha Guud, Ibrahim Adam Ibrahim, ayaa sheegay in qabashada baasaboorada Xujeyda ay socon doonto ilaa 10-ka Janaayo 2025, wuxuuna ku booriyay Xujeyda in ay si degdeg ah u dhiibaan baasabooradooda, isagoo tilmaamay in ay u dhiibaan shirkadaha ku xusan liiska ay Wasaaradda Awqaafta soo saartay.

War-murtiyeed Wadajir ah oo ka soo baxay Shir Madaxeedka Saddex-geesoodka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shir madaxeed saddex geesood ah oo ka dhacay magaalada Asmara, caasimadda dalka Ereteriya, maalinimadii shalay oo ku beegneyd 10-ka Oktoobar sanadka 2024.

Shirkan waxaa martigaliyey Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxaana sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxda saddexda dal ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Waxaa kale oo lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka.

Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal, si loo dardargeliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.

 

Madaxeyne Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Eritrea ayaa kormeeray xerooyin ay ku jiraan ciidamo Soomaali ah oo loo tababarayo difaaca Cirka ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha iyo taliyeyaasha hoggaaminaya ciidankaasi, isagoo ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen mudadii uu socday tababarka.

Madaxweyne Xasan ayaa ka dhawaajiyay sida ay dowladdu uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, isaga oo xusay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo difaaca hawada dalka.

Ciidanka Xoogga oo deegaanno muhiim ah ka sifeeyay khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal sifeyn ah ka sameeyey deegaanno dhaca duleedka Jowhar,Awdheegle iyo Daarusalaam oo ka wda tirsan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Sh.Dhexe.

Deegaanadan waxaa horay dadka shacabka ah ugu dhibaateyn jiray Khawaarijta, Iyadoo Ciidanka ay ka fuliyeen howlgal jab xoogan loogu geystay Argagaxisada.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Abuukar Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay wali Ciidanka Xooogga dalka ku raad joogaan firxadka xubnihii Khawaarijta ee ku sugnaa deegaanada ay lawareegeen ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddooyin cusub iyo kuwo kale oo lagu sameeyay dayactir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah, taas oo laga hirgeliyey degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray waddada Via Uganda ee dhex marta degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

Dhinaca kale R/wasasre Xamsa ayaa waxa uu dhagax-dhigaya waddada isku xirta Dabka illaa isgoyska Bakaaraha ,taas oo u dhaxeysa  Degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

Waddooyinkaan ayaa fududeyn doona isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka,iyadoo lagu dhisay canshuurta laga qaado bulshada ku nool gobola Banaadir.

Dhismaha iyo dayactirka waddooyinka ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda ee dalkaaga ku dhiso hal doollar.

Walaaca ku saabsan duqeymaha Isra’el ee Lubnaan iyo Gaza oo sii kordhaya

Israa’iil ayaa dishay ugu yaraan 22 qof,isla markaana dhaawacay 117,kadib markii ay duqeymo ku  weerareen bartamaha magaalada Beyruut,halkaasi oo ay ku burburiyeen laba dhismo oo la deggan yahay.

Sidoo kale ciidamada Israel ayaa maalinimadii shalay duqeymo xagga cirka ah ku dilay 63 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Marinka Gaza sida lagu ogaaday Ilo-wareedyo caafimaad oo la xiriiray Al Jazeera

Waxaa muddo todobaad ah sii xoogeysanaya go’doominta milatari Israel ay ku hayaan dhulka waqooyiga ah ee Gaza,iyadoo duqeymaha xagga cirka ah ay maalin kasra ku dhimanayaan dad rayid ah.

Dhinaca kale,Madaxa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan ayaa u sheegay golaha ammaanka in badbaadada iyo ammaanka ciidamada nabad-ilaalinta Lubnaan ay ay wajahayaan khatar,iyadoo ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen xarumaha UNIFIL ee koonfurta Bryruut,halkaasi oo ay ku dhaawaceen laba ruux.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Israa’iil ay geysanayso dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha,kadib kolkii ay weeraro ula kac ah ay ku fuliyeen xarumaha daryeelka caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee Gaza.

Qaza, ugu yaraan waxaa illaa hadda ku dhintay 42,065 qof ,halka dhaawacu uu marayo 97,886.

Sidoo kale,tirada dhimashada dadka reer Lubnaa ayaa illaa hadda lagu sheegay in ku dhow kun iyo shan boqol oo ruux.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS oo tababar u xiray qaar kamid ah shaqaalaha

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS Mudane  Seekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira sare u qaadista awooda u soo xiray qeyb ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi.

Munaasabaddii xiritaanka tababarkaasi waxaa ka Soo qeyb galay mas’uuliyiinta wasaaradda Awqaafta,Safiirka Turkiya ee soomaaliya mudane Alper Aktash iyo marti sharaf kale..

Tababarka oo muddo laba maalmood ah  u socday shaqaalaha wasaaradda ayaa waxaa taageeray qeybta qeybta arrimaha diinta ee Safaaradda Turkiga oo fadhigeedu yahay Caasimadda Muqdisho.

Safiirka J.F.S ee Masar oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Jabaan

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa la kulmay safiirka Safaaradda Japan ee fadhigeedu yahay Dalka Masar Mudane Oka Hiroshi.

Kulamnka labada dhinac ayaa ka dambeeyay casuumaad rasmi ah oo uu safiirka Soomaaliya ka helay dhiggiisa Dalka Jabaan oo ay naga dhaxeeyaan xiriir joogto ah oo wax ku ool ah.

Labada Danjire ayaa ka wada hadley hormarinta iskaashiga dhinacyada nabad dhalinta, la tacaalidda xagjirnimada iyo barnaamijyada hormarineed ee beeraha, kaluumaysiga iyo barnaamijyada caafimaadka .

Danjire Awaare ayaa uga mahad celiyay Danjire Oka soo dhawaynta diirran iyo martigalinta wanaagsan ee loo sameeyay.