Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dib u dhis lagu sameenaayo tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska iyo horumarinta lagu sameenaayo tuulada cayaaraha dalka ee Stadium Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo munaasabada ka hadlay ayaa yiri  “Markii aan aragnay xiisaha iyo xamaasadda ay shacabku u qabaan ciyaaraha ayaan go’aansanay in aan dib u dhis ku sameyno qeybta dabaasha ee tuulada ciyaaraha Muqdisho.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Xildhibaan Maxamed Barre, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda dhagax-dhigga.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Qudus ee Jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland oo saakay xili hore la wareegay deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose, hallkaas oo Khawaarijta u aheyd meel istaraatiijI ah.

Howgalka qorshaysan ayaa lagu burburiyay saldhigyo Khawaarijta ku lahaayeen deegaanno badan oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo ay ku baadi jireen dadka shacabka ah, waxaana halkaasi wali ka socda baacsiga maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Taliye kuxigeenka Ururka 162-aad ee kumaandooska Danab Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ciidanka saakay hore Khawaarijta kala wareegeen deegaanka Qudus halkaa oo jab xoogan lagu gaarsiiyay khawaarijta.

“Waxaa jira howlgal soo bilowday xalay saqdii dhexe kana soo bilowday deegaanno hoostaga degmada Kismaayo oo kow ka tahay Leel-kuus, Qudus, Yaaq Caleen, waxuuna ahaa howgal burburin ah, inta uu socday wax iska-caabin ah kalama kulmin khawaarijta’ ayuu yari

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta, kuwaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta loogana dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan.

Wafdi ka socda BFS oo Switzerland uga qeyb-galaya Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Aduunka

Geneva-Switzerland October, 12, 2024: Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland waxayna halkaasi kulan kula qaateen wafuud ka socota Baarlamaanada Carabta ee dalkaasi ku sugan, waxa uuna kulankaasi horudhac u ahaa Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Adduunka.

Kulanka oo diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Carabta ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa jiray doodo ku saabsan sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga baarlamaaniga ee u dhaxeeya dalalka Carabta si wax looga qabto caqabadaha Gobolka, ka qeyb qaadasho firfircoon oo ku saabsan Golaha Guud ee IPU si gacan looga geysto qaabeynta Ajendaha sharci-dejinta caalamiga ah, Xaqiijinta xiriirka diblomaasiyadeed oo adag iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Baarlamaanka adduunka.

Sidoo kale madaxda kulanka ka qeyb gashay ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo horumarin lahaa nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka iyada oo loo marayo nidaamka sharci-dejinta, waxaana ugu dambeyn la isla qaatay tallaabooyinka lagu dhisayo mustaqbal horumarsan oo loogu talagalay baarlamaannada dowladaha midowga Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda IHH

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan daba socda shirar iyo heshiisyo hore u dhacay oo la xariiray ka wada-shaqeynta barnaamijyada soo kabshada iyo adkeysiga la qaatay wafti uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda IHH Md. Huseyin Oruc.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qodobbo ay qeyb ka yihiin arrimaha bani’aadannimo ee taagan, sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen dhisidda kartida iyo aqoonta shaqaalaha Hay’adda iyo xarumaha hoos taga iyo sidii loo heli lahaa agabyada iyo gaadiidka muhiimka u ah guud ahaan howlaha gargaarka, sida; Aambalaasyada, Dab-damisyada iyo gawaarida Xamuulka.

Guddoomiyaha SoDMA, Md. Maxamuud Macallin oo ka mahad-celiyay taageerada hagar-la’aaneed ee IHH ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta ka dhalan karta abaaraha la saadaalinayo ay IHH gacan ka geysato sidii gargaarka bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa goobaha fogfog ee ay adag tahay in si sahlan deeqaha raashin ee dibadda ka imaanaya loo gaarsiiyo.

Hay’adda IHH oo ka mid ah hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa horay heshiis ku aaddan arrimaha bini’aadannimada la gashay hay’adda SoDMA, iyagoo dhowr mar wada qaatay kulamo arrintaasi la xiriira.

Wasaaradda Beeraha XFS iyo hay’adda WFP oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federalka Somaliya iyo Hay’adda WFP ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aas aasiga u ah badbaadinta nolosha bulshooyooinka xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed si loogu caawiyo taasoo hoos u dhigi doonta u nuglaanshahooda waxyaleeda korna u qaadi doonta awoodooda la qabsiga cimilada.

Heshiiskaan waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda beeraha Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} iyo Agaasimaha Hay’adda WFP  Soomaaliya uga wakiilka ah  Mudane El-Khidir Daloum.

Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay howlgalka ka dhanka Khawaarijta oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe, Galguduud iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada 14-ka iyo kuwa Gor Gor  oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgal ka fuliyeen deegaanno ku teedsan degmada Awdhiigle iyo Jannaale, halkaas oo Khawaarijta lagaga faramaroojiyay deegaanka Daarusalaam oo ay shacabka musliimta ku gumaadi jireen.
” Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka, waxay howlgallo barakeysan ka fuliyeen gobolladda Shabeellaha hoose, Dhexe iyo Galguduud, haddii aan ku hormaro gobolka Shabeellaha hoose guutada 14-ka October iyo Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor ee xoogga dalka oo iskaashanaayo ayaa waxay howlgal barakeysan ku sifeeyeen deegaannada xiriiriyo Awdhiigle iyo Jannaale, sidoo kale, waxay gacanta ku dhigeen Daarusalaam ee hoostagta degmada Awdhiigle,”.
Sidoo kale, howlgallada oo saf-ballaaran ku socday ayay ciidamada geesiyaasha waxay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, howlkaas oo Alle fadligii lagu khaarijiyay horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab.
”Shabeellaha Dhexe, haddii aan ku xijino deegaan lagu magacaabo Harqaboobe, waxay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 3-aad, qeybta 12-ka Aprill, Guutada 25-aad ee Cumar Bini Khadaab iyo ciidamada CDS qeybahooda kala duwan oo iskaashanaya waxay howlgal ka fuliyeen halkaas, waxayna ku khaarijiyeen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab, waxaanna dhulka daadsan meydadkooda, ”.
Ciidamada xoogga dalka oo toddobaadyadii u dambeeyay waday howlgalo  guulo wax ku ool ah laga gaaray ayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed ku fara saaray deegaanka Waniile iyo deegaanno kale oo hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, halkaas oo Khawaarijta cashar lama ilaabaan ah loogu dhigay.
”Gobolka Galguduud, xadka xiriiriyo Shabeellaha dhexe iyo Galguduud, howlgalka barakeysan ayaa ka dhacay qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, ciidamada Gor Gor iyo DANAB oo iskaashanaya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgal ka fulinayeen Waniile iyo deegaanno hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, waxaanna Cadowga looga furtay hub tiro badan, waxaanna looga dilay iyo horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta, toddobaadyadii ugu dambeeyay farxad ayay u ahayd ciidamada xoogga dalka guulaha wax ku oolka ah ay ka gaarayaan howlgalka ka dhanka Al-shabaab, sidaas oo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku faraxsan,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Difaaca.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al-shabaab deegaanno badan oo ka tirsan dalka, halkaas oo ay dadka rayidka ah ku dhibaateyn jireen.

Wasiir Fiqi oo la kulmay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga, xuquuqda aadanaha iyo taageerada Sweden ee madax bannaanida Soomaaliya.

Danjire Fiqi wuxuu xusay guulaha wadahadalada saddex geesoodka ah ee Asmara, gaar ahaan horumarinta awoodda ciidanka Soomaaliya. Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka iyo dadaalka diblomaasiyadeed ee Wasiir Fiqi, isagoo sidoo kale amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden.

Danjire Fiqi wuxuu xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato Golaha Ammaanka, gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, xasilloonida gobolka, iyo xuquuqda aadanaha.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 70-aad ee kasoo wareegatay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October la wadaagay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u dabaal dageynaa 70-sano guuradii ka soo wareegatay xuska markii ugu horeysey ee aan yeelanno astaanta dalkeenna, taasoo sharaf iyo karaamo u ah qof kasta oo Soomaali ah, Alle ha u naxariisto halgamayaashii sababay guusha aan heysano.” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka khawaarijta ee aagga Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay dardar gelinta howlgallada iyo sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada faro ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Khawaarijta lagu naafeeyay ee ciidanku fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 70-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay lana soo bandhigay naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.  

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaysa dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigiddii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL, dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” waxeyna marmarsiino ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faa’iido ah.

Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 70- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.

W/D:- Gobdoon.